Magaalada Boosaaso oo lagu qabtay gaari lagu soo raray qalab laga sameeyo waxaha qarxa + Sawirro

Magaalada Boosaaso waxaa lagu qabtay Gaari Waraad ah oo siday Canbe oo lagusoo dhex qariyey 6 Qarax.
Qaraxyadaas Labo ka mid ah Bambooyinka gacanta ayaa dusha kaga Rakibanyihiin.

Ciidamada Kantarooka Magaalda Boosaaso ayaa Gacanta ku dhigay Qaraxan sida sawirka ka muuqata waxaa wehelliya agab kale.

Waxaa kale oo ciidamadu xabsiga u taxaabeen Sadex nin oo uu ka midyahay wadahii Gaariga kuwaasoo lagu eedaynayo in ay Falkaan ku lug leeyihiin.

Gaashaanle dhexe Mohamud Mohamed Ahmed (Qalaf) waa Taliyaha Kontaroolka Boosaaso.

uxuu ku guuleystay in uu Gacanta ku dhigo qaraxyadii iyo Ragii watay iyo waliba agabyo kale oo la doonayay in Maanta la geliyo Magaalada Boosaaso.

Mohamud Qalaf iyo Askartiisa ayaa bil Ramadaan u taagan difaacida shacbkooda Puntland gaar ahaan Bosaso, dalacsiin iyo bilad sharaf ayuuna mudan yahay.

The post Magaalada Boosaaso oo lagu qabtay gaari lagu soo raray qalab laga sameeyo waxaha qarxa + Sawirro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author