Madaxweyne Gaas oo magaalada Kismaayo gaaray

Ilwareed Online

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Gaas oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa si wayn Garoonka Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Jubbaland.

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu wadaa in Shir uu kaga furmo Magaalada Kismaayo, iyadoo Dowladda dhexe shirkaasi dareen ay ka qabto.

Waxaa Kismaayo ku sugan Dhammaan Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxweyne Gaas oo magaalada Kismaayo gaaray appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author