Madaxweyne Farmaajo oo Uganda u tagay ka qeybgalo shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga gobolka.

Maxamed C/Laahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray dalka Uganda, wuxuuna halkaasi uga qeybgali doono shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga gobolka.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa inta uu booqashada ku guda jira waxay la kulmi doonaan madaxda Uganda iyo wufuuda kale ee shirka ka qeybgalaysa.

Dhanka kale Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirro,Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale oo wada hadallo la yeelan doona dhigooda wadanka Uganda.

The post Madaxweyne Farmaajo oo Uganda u tagay ka qeybgalo shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga gobolka. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author