Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Tarsan La taliye arrimaha Siyaasada

Ilwareed Online –

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa u magacaabay la taliye sare ee dhinaca ammaanka ah guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Wareegto uu saarey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku daray Tarsan oo ka mid ahaa musharaxiintii tartanka Madaxweynaha Soomaaliya ee bishii Febraayo ee sanadkan liiska taliyaashiisa.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo si weyn uga soo horjeeday dowladii hore ee Xasan Sheekh Maxamud madaxweynaha ka ahaa ayaan ka soo muuqan saaxada siyaasada dalka tan iyo markii la dhisay dowlada uu haatan ra’iisal wasaaraha ka yahay Xasan Cali Kheyre.

Lama oga illaa iyo hadda inuu aqbali doono Maxamuud Axmed Nuur Tarsan xilkan loo magacaabay waxana lagu xasuustaa guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Tarsan inuu diiday ka mid noqoshada gole wasiir oo hore loogu magacaabay in uu noqday wasiir ku xigeen.

 


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Tarsan La taliye arrimaha Siyaasada appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author