Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ugu baaqay Al Shabaab in ay ka faa’ideystaan Cafiska Dowladdiisu u fidisay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay Al Shabaab in ay ka faa’ideystaan Cafiska ay u fidisay dowladdiisa.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in Wadahadal ay la yeelato Al Shabaab , waxaana uu ku nuux nuuxsaday in iyadoo dowladdu cafis u fidisay weli ay dadkooda leynayaan.

“ kaalaya nala hadla waxa aad rabtaan noo sheega , waanu idinkala hadleynaa” ayuu yiri Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer ku cel celiyay baaqa ku aadan in dowladdu Dagaalamayaasha Al Shabaab cafis u fidisay islamarkaana ay dowladda Soomaaliyeed isku soo dhiibaan.

The post Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ugu baaqay Al Shabaab in ay ka faa’ideystaan Cafiska Dowladdiisu u fidisay. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author