Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda + Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Uganda.

Kulankan ballaaran waxaa looga gol’lahaa in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay la wadaagaan xogaha ay hayaan, fursadaha ay haystaan iyo caqabadaha ay tabanayaan.

Madaxweynaha ayaa Jaaliayadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee uu dalku ku suganyahay, waxaana uu kula dardaarmay Jaaliyadda in ay ka qeyb qalaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka, isla markaana Jaaliyadda looga baahanyahay inay door muuqdo ku yeeshaan dib u dhiska dalka.

The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda + Sawirro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author