Madaxweyne Farmaajo oo goordhow xariga ka jaraya Saldhiga militiriga Turkiga ee Muqdisho laga dhisay

Ilwareed Online

Waxaa saacado kadib lagu wadaa in xariga uu ka jaro madaweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo saldhig milatari oo uu Turkiga ka dhistay xaafada jaziira degnmada wadajir ee magaalada Muqdisho.
Saldhigan milatari ayaa dhismahiisa wuxuu qaatay muddo 2 sano ku dhawaad ah, kaasi oo markiisa hore uu dhagax dhigay madaxweyanaha dalka turkiga Rejab Dayip Ordegan.


Saldhigan ayaa la sheegay in tababar lagu siin doono ilaa 2,000 oo askari Soomali ah, iyadoo la sheegayo in sababaha uu dalka u yimid maalinamdii shalay taliyaha xooga ciidamada ee dalka turkiga Hulusi Akar magaalada muqdisho ayaa qeyb ka ahayd furitaanka xeradaan tababarka militiriga ah, waaana Saldhigii ugu weynaa abid ee turkiga ka dhiso qaarada Afrika.
Furitaanka saldhigaan milatari uu ka dhisay Turkiga xaafada jazeera ee degmada wadajir ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo madaxweyanaha Madaxweyne Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxweyne Farmaajo oo goordhow xariga ka jaraya Saldhiga militiriga Turkiga ee Muqdisho laga dhisay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author