Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Jeddah Ee Boqortoyada Sacudiga

Ilwareed Online

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jidda oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.

Waa booqashadii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka tago boqortoyada Sacuudiga. isaga oo booqashadiisa u horeysay ku tagay dalkaasi markii loo doortay xilka Madaxweyne, markaasi oo ay labada dhinac kala saxiideen heshiisyo wax ku ool ah.

Sidoo kale Bishii May ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Madaxweynaha kaga qeybgalay Sacuudiga Shirkii u dhaxeeyay Donald Trump iyo hogaamiyaasha dalalka Islaamka.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Jeddah Ee Boqortoyada Sacudiga appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author