Madaxweyne Faramaajo oo Balan Qaad u Sameeyay Sheekh Cabdulaahi Sulfa

Ilwareed Online

Sheikh C/llaahi Sulfa oo ka mid ahaan jiray fannaaniintii hore ee Iftin balse xili hore fanka ka towbad keenay, haddana Imaam iyo Sheekh daaci ka ah dalka Sacuudiga ayaa waxaa soo wajahay xannuun dhinaca kelyaha ah, iyadoo shaqadii kelyaha gabeen mar walbana laga dhaqo.

Sheikh Sulfa ayaa gurigiisa waxaa ku booqday Madaxweyne Farmaajo oo dersay xaalada Sheekha, wuxuuna Farmaajo u ballan qaaday inuu xil iska saarayo qarashka ku baxaayo dhaqida kelyaha inta laga gaarayo qaliinka looga badalayo kelyaha.

Sawirro laga soo qaaday kulanka dhex maray Farmaajo iyo Sheekh C/llaahi Sulfa ayaa muujinaayo Sida uu Ugu Farxay Sheikh C/llaahi Sulfa Booqashada uu Madaxweyne Faramaajo Gurigiisa Ku Soo Baaqday Sheekh Sulfa wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta loogu jeclaa Somalia xiligii hore, Kana Tirsanaa Fanaaniintii Kooxda Iftin, Nasiib Wanaag Allaa Waafajiaya In uu Gebi Ahaan Isaga Baxo Fanka,Maanta Sheekh Sulfa Waa Imaamka Masjid Ku Yaal Riyaad Ee Dalka Sucuudi Carabiya.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxweyne Faramaajo oo Balan Qaad u Sameeyay Sheekh Cabdulaahi Sulfa appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author