Madaxweynaha Turkiga oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya

Ilwareed Online

Recep Tayyib Erdogan Madaxweynaha Turkiga ayaa ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaas Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed (Jaamac Ceydiid).

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Mr Ceydiid, waxaa uu noqonayaa safiirkii 3aad ee Soomaaliya u magacawdo Turkiga tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo Turkiga iyo Soomaaliya xiriirkooda dib u bilowday, kaddib markii Turkiga u soo gurmaday Soomaaliya.

Jaamac Ceydiid ayaa ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaa uu ka mid yahay saddex Safiir oo uu Madaxweynaha magacaabay markii uu xilka la wareegay.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxweynaha Turkiga oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author