Madaxweynaha Soomaaliya u socon-meyso Ludda (Hilibka) jecli Lafta jecli.

Dhax-dhexaad ayaan nahay, ma rabno inaan faraha la galno khilaafka Carabta, halkii ay ku dagaaleen ma ogin, halka ay ku heshiinayaana ma ogaan doono, wadahadal ayaan ku baaqaynaa, tallo ahaan waxaan soo jeedinayaa in xiisadda taagan lagu dhameeyo miiska dushiisa, sheekadaasi oo qeyb ka aheyd mowqifka siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u cuntami weysay Sacuudiga iyo xulufadiisa.


Muuqaal ahaan shaki iyo mad-madow inuu soo kala dhex galay ayay u ek tahay xiriirkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Sacuudiga, Cadaadis iyo culeys cusub ayuu la yimid Sacuudiga, koox ka kooban Wasiiro iyo La-Taliayayaal ka tirsan Dawladda Federaalka oo booqatey Wadankaasi ayaa faro marnaan kala soo laabtay Dalkaasi, gacanta waxaa laga soo galiyay fariin ay ku qoran tahay haddaad dhaqaale doonaysaan waa inaad wax ka badashaan aragtida Dawladiina.
La isma ba-rbar dhigi karo Sacuudiga iyo Qadar, Soomaaliya waxay danno badan ku haysataa Sacuudiga iyo saaxiibadiisa, Dawlad kasta oo caalamka ka jirta waa tii meel mariso maslaxada shacbigeeda, haddii ay Dawladda Soomaaliya tahay mid dhawrayso rabitaanka dadkeeda waxaa lagama maarmaan ah inay tixgaliso soo jeedinta Boqortooyada Sacuudiga.
Xaqiiqdii Sacuudiga iyo xulafadiisa oo uu ugu horeeyo Wadanka Imaaraadka Carabta waa wallaalaha kaliya ee dhulkooda ay ku nool yihiin in ka badan hal {1} Milyan oo Soomali ah, waa Wadamada ugu badan ee qaata xoolaha Soomaaliya, sidoo kale Dalalkaasi waxaa laga dhawrayaa in ku dhaw 10-Bilyan oo Doolar oo loogu tala galay dib u dhiska Soomaaliya, waa nasiib daro Dawladda yar ee Qadar oo aan wax weyn u haynin Soomaaliya in lala meel dhigo Wadamadaasi.
Siyaasiyiin, aqoonyahano, madax dhaqameed, culumaa’udiin iyo qeybo badan oo ka tirsan bulshada gayigeena ayaa ka walaacsan inay Soomaaliya lumiso kalsoonida iyo taageerada lixaadka leh oo ay ka hesho Wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo isbahaysigooda, Caano daatey dabadooda ayaa la qabtaa, hadalka ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ma aha Aayad Diimeed.
Mowqifka Madaxweynaha waa aragti siyaasadeed waana la badali karaa, masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa laga soo xigtay inay Madaxweynaha kula talinayaan inuu u tanasulo maslaxada shacbigiisa oo ku aadan in laga mid noqdo isbahaysiga Carabta, mar haddii aaney Sacuudigu ka gadmeynin LUDDA JECLI LAFTA JECLI waxaa quman in laga laabto aragtida ku saleysan dhax- dhaxaadnimada isla markaana la soo dhaweeyaa soo jeedinta Sacuudiga

WQ: C/Laahi Shiikhaalow

The post Madaxweynaha Soomaaliya u socon-meyso Ludda (Hilibka) jecli Lafta jecli. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author