Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose.+Sawiro

Maxamed C/llaahi Maxamed FarmaajoMadaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa daqiiqado ka hor gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Dhanka kale ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa illaa Xalay si weyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka waaweyn la dhigay Ciidamo aad u badan, iyadoo madaxda maamulka Jubbaland kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ay ugu horayso Amniga iyo Dhaqaalaha.

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose.+Sawiro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author