Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo kula kulmay wafdi ka socda Midowga Afrika + Sawirro

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka martida ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha Amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Africa Ndumiso Ntshinga.

Dhamaan Safiirada shan iyo Tobanka wadan ee xubnaha ka ah golaha Amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyadoo ay wehelinayeen khuburo dhinaca ammaanka ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka hore uga mahad celiyay kaalmada dalalka Midowga Africa ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca ammaanka, isagoo sheegay in AMISOM ay kaalin muuqata ku leedahay horumarka wadanka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay dalalka Midowga Africa gaar ahaan golaha amniga iyo nabadgelyadu in ay Soomaalida ku garab istaagan qorshaha dhismaha ciidamada qaranka maadama ay tahay sida kaliyah ee dhibaatada lagaga bixi karo.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka hawlgalaan Ciidamo ka socda AMISOM oo Nabadgalyada kala shaqeeya ciidamada iyo hay’adaha ammaanka dowlada waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo bahan yahay in la dardar galiyo dhamaan dadaalada nabadgalyada gobolka.

Gudoomiyaha Golaha Amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Africa Ndumiso Ntshinga. ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay tusaale wanaagsan oo hananka ammaanka iyo dowlad wanaaga lagaga dayan karo.

Midowga Africa ayuu sheegay in ay Jubbaland ka caawin doonan dhamaan hawlaha la xiriira Nabadgalyada oo uu xusay in Jubbaland ay guul ka gaartay taas Looking for an economic opportunity for your cytoxan purchase? We provide you the opportunity to buy it only for 1.64 USD at our store! oo u baahan in la sii adkeeyo.

You might also like More from author