Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka xayuubiyay Wasiirkii Maaliyadda Maamulkaas

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Maaliyadda Maamulkaasi Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Xil ka qaadista Wasiirkaasi ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay qorshaheeda laga dareemayay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Waxaana Madaxweynaha Hirshabelle uu u Magacaabay Xilka Wasiirkaasi Maaliyadda ee Maamulkaasi Sakariye Cabdi Xaraare oo horay u ahaa Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Heer Maamul Goboleed ee Hirshabelle.

Si kastaba Madaxweyne Cosoble ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday xil ka qaadis iyo isku shaandheyn uu ku sameynayo qeybaha uu ka kooban yahay Maamulkaasi.

The post Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka xayuubiyay Wasiirkii Maaliyadda Maamulkaas appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author