Madaxweynaha Hirshabeelle oo Soo bandhigay barnaamijka Xukuumadda + Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda ay ku shaqeyn doonto 2017-2020, kaddib Munaasabad Ka dhacday Magaalada Jowhar oo lagu dhaarinayay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Maalin ka hor la ansixiyay.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo munaasabadaasi khudbad ka jeedinayay ayaa si qoto dheer kaga hadlay qorshayaasha maamulkiisa uu doonayo in uu wax ka qabto islamarkaana ay ku shaqeeyaan Golaha wasiirada, isagoo sheegay in ay doonayaan Amniga deegaanada Hirshabeelle in ay sugaan islamarkaana ay u qidmeeyaan bulshada deegaanka.

Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo hadalqaaday in muhiim ay tahay in la dhiso ciidamo diyaarsan oo hanan kara amniga, kana hortagi kara falalka amniga lidiga ku ah, waxaana si taas loo helo ay ka shaqeyn doonaan sidii ay u heli lahaayeen ciidamdaasi tababar ku filan iyo agabka ay u baahanyihiin, waxaana dhinaca kale uu ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan Maamulkani.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin dagaal beeleedyada soo noq noqday uuna rajeynayo in golaha Wasiirada uu soo dhisay ay wax ka qabato.

Si loo hormariyo dowladnimada ayuu carabka ku adkeeyay in uu soo dhisayo hey’adaha laf dhabarka u noqonaya maamulka sida Guddiga shaqaalaha rayidka, Xeer ilaaliyaha guud, Maxkamadda sare, Guddiga adeega garsoorka, Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Xoojinta hey’adaha ammaanka, dhowaana ay ka shaqeyn doonaan hey’adahaasi sidii loo dhisi lahaa.

“Waan la xisaabtamaya Wasiirada aan ka soo dhalaalin xilalka loo magacaabay, misana aan fulin barnaamijka Xukuumadda ee afarta sano, Baarlamaanka Hirshabeelle oo aan ku aqaano xilkasnimo iyo waaya aragnimo waan ku boorinayaa in ay iyagana ay u shaqeeyaan dalkani misana ay horumariyaan bulshada ay matalaan” ayuu yiri Cosoble

Madaxweynaha Hirshabeelle oo khudbadiisa dheereyd ayaa Baarlamaanka Hirshabeelle kaga Mahadceliyay sida ay waqtiga ugu dareen soo dhisidda Xukuumadda iyo This is a perfect opportunity for you to save on your aldactone buy, because we offer it only for 1.21 USD! All is legal and real! shaqooyinkii balaarnaa ay soo qabteen sida doorashada Xubnaha aqalka sare ku matala Dowladda dhexe.

Muaasabadda Lagu dhaarinayay Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Shekh Cismaan Bare iyo Labadiisa Ku xigeen, iyo Labada Gole ee Dowladda Hirshabeelle, waxaana Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay u jeediyeen Labada gole dar daaran ku aadan waajibaadka shaqo ee laga sugayo iyagoo ku ammaanay sida ay ugu shaqeynayaan bulshada.

You might also like More from author