Madaxweynaha Galmudug oo maanta Booqday degmada Caabudwaaq

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Waxaana halkaas ku soo dhaweeyay qeybaha Bulshada degmadaasi Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa wehliyay Wafdiga Madaxweynaha Galmudug , Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas, Xildhibaanno iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa ku tar tarsiiyay Shacabka Caabudwaaq in ay la shaqeeyaan maamulka islamarkaana ay ka taageeraan sugida Nabad gelyada.

The post Madaxweynaha Galmudug oo maanta Booqday degmada Caabudwaaq appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author