Madaxweynaha dalka Faransiiska Macron-ka Cusub Oo Dil Ka Badbaadey

Sida aynu ka soo xiganeyno Wakaaladda Wararka AP waxaa isku dey dil ka badbaadey madaxweynaha dhawaan galka ah ee Faransiiska ninka lagu magacaabo Emanual Macron.

Booliska dalkaasi France ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay qabteen nin isku dayayey in uu dilo madaxweyne Macron, iyadoona uu boolisku sheegey in markii ay ninkaasi qabanayeen uu ku jirey isku diyaarinta fulinta falkaasi.

Magaalada Paris Booliskeeda ayaa ninkan ka soo qabtey dhanka koonfureed ee magaaladaasi xili uu ku jirey falka uu isugu diyaarinayey qaarijinta Madaxweyne Macron.

Ka hor intan la qaban ninkan damacsanaa dilka Madaxweynaha ayaa waxaa uu bartiisa Facebook-ga ku soo qorey in uu u socdo iibsiga qorigii uu ku dili lahaa Madaxweyne Macron.

Afhayeen u Hadley booliiska Paris ayaa sheegey in sida uu ninkan ay qabteen uu qirtey uu doonayey dilka madaxweynaha maalinimada 14ka bishan July oo madaxweynaha xus ka dhacaya Paris ka qeyb galayo, xuskaasoo lagu magacaabo xuska maalinta Champs- Elysees.

Isku soo wada duubee dhawaanahanba madaxweyne Macron ayaa heleyey fariimo hanjabaad ah oo uga imanaya kooxo cunsuriyeyaal ah kuwaa oo aan la dhacsaneyn siyaasada furan ee uu Macron doonayo in uu ku maamulo Fransiiska.

The post Madaxweynaha dalka Faransiiska Macron-ka Cusub Oo Dil Ka Badbaadey appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author