Madaxwayne Farmaajo iyo Dhaxalsugaha Abu-Dhabi maxay ka wada hadleen?

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi No need to waste your time searching for a Cheap cialis professional anymore. We offer Cialis Professional only for 1.76 USD! Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheekh Mohammed bin Zayid Al Nahyan.


Kulanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal, qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal.
Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaalka dowladdiisa ay ugu jirto la dagaallanka argagaxisada iyo siduu loo sugi lahaa amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya.
Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga qiray kaalinta wax ku oolka ah iyo midda sokeeyenimo ee Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku guulaysto hiigsiga iyo yididiilada ay doonayaan inay gaaraan

You might also like More from author