Madaxwaynaha Xaaf Oo La Kulmay Ergayga Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya

Ilwareed Online

Madaxwaynaha galmudug axmed ducaale geele xaaf ayaa kulan gaar ah la qaaatay Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira oo ay ka wada hadleen arima badan

Kulanka oo ka dhacay magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya oo uu madaxwayne xaaf booqosho ku joogo ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee deegaanada galmudug sida abaaraha,hormarinta ,dib uhashiisiinta iyo soo celinta kaabayaasha dhaqaalaha galmudug

Madaxwaynaha galmudug ayaa danjiraha uga warbixiyay xaalada guud ee galmudug iyo caqabadaha maamulka hortaagan oo ay ugu wayntahay abaaraha ka jira galmudug iyo khilaafka ururka ahlusuna

Kulanka aya ugu dambayn la isla gartay in isgaasha buuxa uu dhexmaro galmudug iyo xafiiska midowga afrika ee soomaaliya ee uu fadhiyo danjire Francisco Madeira lagana wada shaqeeyo hormarka iyo dib u hashiisiinta deegaanada Galmudug.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxwaynaha Xaaf Oo La Kulmay Ergayga Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

d.getElementsByTagName(‘head’)[0].appendChild(s);

You might also like More from author