Madaxtooyada Galmudug oo qoraal ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi

Ilwareed Online

Qoraal lagu xambaaraynayo Xildhibaanadii xalay sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug ayaa wuxuu goordhow ka soo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug.

Warsaxaafadeedkaasi ka soo baxay Galmudug waa kanaa:

Kadib markii manta oo ay tariikhdu tahay 26/09/17 ay Hoteel Mansuur ee degmada Cadaado tiro kooban oo xildhibaano iskudayeen afganbi lagu sameynayo hay’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug. Xildhibaanada ayaa kudhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoo aan marin habraacii dastuuriga ah ee uu qeexayo Dastuurka Galmudug.

Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayey kaga jawaabeen iskudaygii ay ku kaceen kooxda qaswadayaalka ah.
Shirka Baarlamaanka oo uu gudoominayey Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa soo xaadiray 48 xildhibaan waxayna
1. Cambaareeyeen afgambigii dhicisoobay ee ay ku kaceen xildhibaanada qaswadayaalka ah ee iskudayey in ay burburiyaan Galmudug.

2. Taageereen go’aankii Golaha Wasiirada Galmudug oo ay ku taageereen Go’aankii Madaxweynuhu ka Qaatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka.
3. Cambaareeyeen faragelinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka ku hayso burburin hay’adaha curdanka ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Qoraalka ka soobaxay Xukuumada Federaalka oo uu soo saaray wasiiru Dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha, wuxuu cadayn u yahay in ay qayb ka yihiin afganbiga ay xildhibaanada qaswadayaalku ku doonayaan in ay ku bur buriyaan hay’adaha dastuuriga ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ugubaaqaynaa Baarlamaanka Federaalka, iyo AqalkaSare, Dawlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamkaba in ay siwadajir ah uga hortagaan xasarada iyo xasilooni darida siyaasadeed ee ay Dawlada Federaalka ah ku hayso Galmudug.
Dhammaad

Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Madaxtooyada Galmudug oo qoraal ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author