Madaxda ururka IGAD oo yeelanaya kulan deg deg ah oo looga hadlaayo xaalada ka jirta Koofurta Sudan

Waxaa 12-ka Bishaan kulan ku yeelanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxda Urur goboleedka IGAD sida uu sheegay madaxa Urur Goboleedka  IGAD  Hailemariam Desalegn ahna Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay Madaxda Urur goboleedka IGAD inay ku soo xaadiraan Magaalada Addis Ababa si looga hadlo xaalada cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan.

Kulankaan ay yeelanayaan Madaxda IGAD ayaa looga hadlaya in xaalada Bani’aadanimo ee xilligaan ka jira Suudaanta Koofureed  inay tahay mid daran oo loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu waddaa inuu ka qeyb galo Shirkaasi oo diirada lagu saarayo Xaaladda Suudaanta Koonfureed, sidoo kale waxaa la sheegay inay kulankaasi ka qaybgalayaan Madaxweynayaasha dalalka Ku jira urur goboleedka IGAD.

The post Madaxda ururka IGAD oo yeelanaya kulan deg deg ah oo looga hadlaayo xaalada ka jirta Koofurta Sudan appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author