Madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan oo la kulmay fannaanka Nimcaan Hilaac

Kulan kaan oo ahaa mid casho ah isla markaana ay soo qaban qaabisay safaaradda soomaaliya ee dalka suudaan ayaa waxa ka ka qeyb galay guddoomiyaha jaaliyaddda Soomaaliyeed ee dalka suudaan Cabdi wali xasan xuseen, La taliyaha kowaad Ee safaradda Abuukar Boston, u qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow iyo Suldaan Kamaal oo Ka mid ah guddiga abaaraha ee ka jira dalka Suudan.

U jeedka kulanka ayaa ahaa Sidii loo qaban lahaa bandhig Faneed Gacan looga geysanayo abaaraha ka jira dalkeena Soomaaliya kaas oo uu qaban doono fanaan Nimcaan Cabdiraxman We have gathered all the best deals on the market for high quality medicines. Buy your lexapro at our store now only for 0.39 USD! oo ku sugan dalkaasi.

Danjiraha safaaradda soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed C/llahi Ogaas oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in la qaban doono bandhiggaan si dhaqaalo loogu uruuriyo dadka ay abaaruhu sameeyeen.

Dhanka kale Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac) oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa ka codsaday dhamaan Soomaalida ku nool magaalada Khartoum ee dalka suudaan inay ka soo qayb galaan bandhigan lagu Caawinaayo walaalahood dhibaateysan

Dhawaan aayaa guddi heer qaran ah oo ka kooban 15 lagu doortay Caasimadda Khartoum ee Dalka Suudaan kuwaas oo ka qeyb qadan doona gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.

You might also like More from author