Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ku soo wajahan.

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ku soo fool leh Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya u yeertay madaxdaasi.
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada maanta Muqdisho imaaneysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kan Jubbaland iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, horey Muqdisho waxaa u joogay Madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle.
Dhanka kale ujeedka Madaxda Maamul Goboleedyada ay u imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Dhexe ay u yeertay Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada islamarkaana ay ka wada hadli doonaan Shirka Bisha soo socota ka dhici doona Magaalada London iyo sidii Ajande mid ah ay shirkaasi ula tagi lahaayeen Madaxda Soomaalida.

You might also like More from author