Macalinkii quranka oo Iimaamkii Masjidka Tensta Sweden ahaa oo shalay la dilay

Ilwareed Online

Waxaa shalay lagu dilay magaalada Stockholm xaafada Tensta Sheekh Cabdisalaan oo ahaa Macalin Quraan.

Waxuu Cabdisalaan ahaa Iimaamka Masjidyada Tensta, waxaa kulan baroor diiq ah lagu qabtay Blå-huset Tensta, dhamaan intii taqiin iyo dadka degaanka Tensta aad ayeey u soo buux dhaafiyeen halka tacsida tiil.

Waxaa laga sheekeeyay taariikhda uu ku dhex lahaa ummada degen Tensta, nin carab ahah oo yaqiinay macilkaas waxuu sheegay in markii uu maqlay Cabdisalaan in la dilay in uu u tukaday laba rakco si ilaah uu u aqbalo camalkii uu muslimiinta u hayay, ninkaasi waxaa kale uu sheegay in asaga iyo Cabdisalaan ilaa 6 sanno eey ahaayeen kuwa tujiya muslimiinta Tensta salaada Taraawiixda.

Dadkii halkaasi isugu yimid oo yaqiinay Waxay u duceybaayeen marxuunka ka dikay oo Nin cibaado badan, Allow jannadii fardowsa gee. Aamiin.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Macalinkii quranka oo Iimaamkii Masjidka Tensta Sweden ahaa oo shalay la dilay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author