Maamulka Soomaaliland oo gabi ahaan joojiyay howlihii iyo dhisitaankii kaniisada Hargeysa

Ilwareed Online –

Maamulka Somaliland ayaa maanta go’aamiyay inaan dib loo furin kaniisad muran dhalisay taasoo ku taal magaalada Hargeysa.

Wasiirka Diinta Owqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi ayaa war murtiyeed uu soo saaray maanta waxa uu ku sheegay in maamulka Somaliland uu oggolaaday talooyin xalay ka soo baxay culumada Somaliland iyo baaqyo ka yimid bulshadda oo ku baaqayay in aanay bannaanayn dib-u-dayactirka kaniisadaasi.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in war-saxaafadeed maanta kasoo baxay Golaha wasiirada ay ku go’aansadeen inay xiraan kaniisadda Hargeysa kaddib baaqyo uga yimid shacabka.

Culimada baaqyada u direy maamulka Somaliland ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Cali Maxamed Geeddi, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo culimo kale.

Halkan hoose ka aqriso Warmurtiyedka ay soo saartay Wasaarada Diinta iyo Owqaafta.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Maamulka Soomaaliland oo gabi ahaan joojiyay howlihii iyo dhisitaankii kaniisada Hargeysa appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author