Maamulka Jubbaland oo ka dayrisay Xaaladda Barakacayaasha

 Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ka hadleen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka kasoo barakacay Abaarihii ku dhuftay degaanada maamulka Jubbaland , islamarkaana soo gaaray Magaalooyinka Jubbaland si ay u helaan nolol Wanaagsan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa waxaa uu sheegay in dadkaasi ay ku sugan yihiin xaalad adag , maadaama aysan jirin cid gargaar gaarsiisay .

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka kunool Degmada Doolow ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’addaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in ay soo caawiyaan dadkaasi dhibaateysan.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa sababay in dadkii kunoolaa Miyiga ay soo barakacaan ,islamarkaana ay soo gaaraan Magaalooyinka.

The post Maamulka Jubbaland oo ka dayrisay Xaaladda Barakacayaasha appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author