Maamulka Jubaland oo gacanta ku dhigay kaluumeysato ajnabi ah sharci darro ku kalluumeysanayay

Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubballand ayaa sheegay iney xeebaha Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubada hoose ku qabteen doon si sharci daro ah uga kalluumeysaneysay halkaas.

Saraakiisha Ciidamada Juballand ayaa sheegay in doontan ay la socdeen ku dhowaad toban nin oo sideed ka mid ah ay yihiin dad ajnabi ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Bakistan.

Waxay intaa ku dareen in dadkan ajaaniibta ah ay baaritaan ku sameyn doonaan, loona gudbin doono magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Doonyo fara badan oo ay leeyihiin kalluumeysato ajaaniib ah ayaa si sharci daro ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo gurta kalluun Malaayiin dollar lagu qiimeeyey, iyagoo kaluumeysiga u adeegsada shabaag dunida laga mamnuucay.

The post Maamulka Jubaland oo gacanta ku dhigay kaluumeysato ajnabi ah sharci darro ku kalluumeysanayay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author