Maamul goboleedyada oo qaadacay ka qeyb galka shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka

Ilwareed Online

Maamul goboleedyada dalka ayaa qaadacay ka qeyb galka shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka, kaasoo lagu wado inuu maalinta berri ka furmo magaalada Muqdisho.

Maamulada Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa diiday inay ka qeyb galaan shirkaas, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.

Wararka ayaa sheegaya in maamul goboleedyada ay qaateen go’aano isku mid ah, in aysan ka qeyb galin shirkan, oo diyaar garowgiisa maalmahan laga dareemayay Muqdisho.

C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka ayaa sheegay in shirweynaha Qaran ee Dastuurka uu furmi doono 8-da bishan oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah.

Arrintan ayaa waxay sare u qaadeysa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hada galaya waji cusub.

Sidoo kale waxaa jira shir gaar ah oo maamul goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka maqan tahay dowladda Federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday kulamo wadatashi ah oo ay uga hadleyso arrimaha dib u eegista Dastuurka.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Maamul goboleedyada oo qaadacay ka qeyb galka shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author