Ma Ducaysana Xulka Soomaliya, Mana Mudna in Taagre Loo noqdo, Hadiiba ay South Sudan Ka soo soo badisay?

Nabar aad filaysay naxdin ma leh, taageerayaal badan ayaa horey u saadaaliyay in Soomaaliya si fudud loo soo ja-jabsan doono, Koonfurta Suudaan oo ah Dal dhawaan dhashey ayaa jidka inoo galay, cel-celis ahaan lugtii hore iyo middii 2-aad ee dhex martay labadda Wadan waxaa 4-1 ku soo baxay Qaranka K/Suudaan, iyadoo Soomaaliya laga soo cirib tirey gabi ahaanba tartankii Chan Cup 2017.

Bulsho badan oo ka mid ah bahda isportiga ayaa caawa ka ladii (hurdi) la’ guuldaradii ku soo dhacday xulka Soomaaliya, 2-0 ayaa galabta loogu awood sheegtey Ocean Stars-ka Soomaaliya cayaar ka dhacdey Magaalada Jubba ee Dalka South Sudan, lugtii hore ee cayaartaasi waxaa Soomaaliya lagu soo samir siiyay 2-1, kadib markii ay labadda Qaran ku kulmeen Wadanka Jabuuti, halkaasi oo Soomaaliya ay gurigeeda {Home} ahaan ugu cayaareysay.

Nasiib daro Xiriirkii K/ Cagta iyo Wasaaraddii u xilsaarneyd arimaha K/Cagta kuleyl iyo qabow midna kuma hayso guul darda soo hoyotay, sababo badan oo is-biirsaday ayaa loo aaneynayaa in waqti kasta xulkeena dhulka lagu jiid-jiido, niyad xumo, isla xisaabtaan la’aan, daryeel li’ cayaartooy iyo qabiil ku dhisan hebel anaa wato ayaa sabab u ah in tartan walba wiilasheena ay boorsooyinkooda ka soo xer-xertaan.

“Ma duceysna miyaa xulka Soomaaliya mar kasta waxaan maqlaa waa la soo tumay, nabee kuwani ma mudna in taageere loo noqdo haddiiba ay ka soo adkaadeen xulka South Sudan oo ah Wadanka caalamka ugu da’da yar“ ayuu yiri khabiir isporti oo nacay sida sahlan ee xulkeena mar walba looga soo reebo tartan kasta oo uu ka qeyb galo.

Haddaba sidee Soomaaliya guuldarada uga gudbi kartaa kuna gaari kartaa Our online store has gathered all the best medical deals on the market. This way, you can get your naltrexone for as much as 9.27 USD and save a significant sum! guul? Fadlan nala wadaag aragtidaada.

You might also like More from author