Lix ruux oo lagu dilay masaajid ku yaala Canada

 

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay siddeed kale ayaana ku dhaawacantay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda halkaas oo ay jameecaad ku tukanayeen salaad, booliiska ayaana xaqiijiyay geerida dadkaas, iyaga oo ula dhaqmaya sidii weerar argagixiso.

Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xireen labo Don’t want to spend a premium for your lamisil? This is a solved issue, as you can buy it at our store now for only 3.25 USD! ruux waxayna sheegeen in ay rumaysan yihiin in uusan jirin qof kale oo weerarkaas xirirr la lahaa oo baxsad ku maqan.

 

 

Booliisku waxay sheegeen in goobtaasi ay ammaantay oo xaaladdu dagan tahay, ayna masaajidka ka soo daad gureeyeen dad badan oo badqaba.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in aysan jirin faahfaahin ku saabsan dadka la qabtay ayna baaritaannadu hadda uun billawdeen.

Mar sii horaysayna ra’iisalwasaaraha ayaa weerarka ku tilmaamay mid “argagixiso”.

Wuxuu intaas ku daray in uu aad uga naxay, ugana carooday markii uu maqlay weerarkaas.

 

Qof goobjooge ah mar sii horaysay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen booliis hubaysan oo aad u yaqaana xeeladaysiga.

Dilkaas ayaa ka dhacay masaajidkan oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.

You might also like More from author