Kurdiyiinta Ciraaq Oo HAA Ugu Codeeyay in Ay madax banaanaadaan

Ilwareed Online

Guddiga Aftida gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Wadanka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee codbixintii dhawaan loo qaaday in gobolkaasi noqdo dal madax banaan.

Shir Jaraa’id oo magaalada Arbiil ay ku qabteen madaxda ugu sarraysa guddiga ayaa lagu sheegay in 92% shacabka Kurdiyiinta ay u codeeyeen in Kurdistan ay noqoto dal madax banaan dalweynaha Ciraaq intiisa kale.

Dabaal degyo ay dhigayaan dadka Kurdiyiinta ayaa durbadiiba ka bilaawday dhammaan magaalooyinka gobolka Kurdistaan sida Suleymaaniya,Arbiil iyo Xalabjah, in kabadan 72% ayaa la xaqiijiyay in ay codeeyeen shacabka Kurdiyiinta.

Mascuud Barazaani oo ah hoggaamiyaha maamul gobolkeedka Kurdistan ayaa soo dhaweeyay natiijada Aftida wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Ciraaq iyo dowladaha gobolka in ay xaalada dajiyaan oo ay wadahadal lagalaan dowladdiisa curdunka ah.

 

Dhinaca kale xukuumadda Baqdaad ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha caalamiga ah ee ka dagi jiray magaalooyinka waaweyn ee gobolka Kurdistaan.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Kurdiyiinta Ciraaq Oo HAA Ugu Codeeyay in Ay madax banaanaadaan appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author