kulan looga hadlayay sare uqaadida amaanka magaalada muqdisho oo dhexmay amisom duqa magaalada muqdisho

Ilwareed Online

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan saacado badan qaatay maanta la yeeshay madaxda Midawga Afrika ee AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Ee AMISOM.

Guddoomiye Taabit ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Danjiraha Midawga Afrika u jooga Soomaaliya  Ambassador Francisco Madeira iyo Taliyaha Guud Ee Ciidamada AMISOM,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin dhibaatada ciidamada AMISOM ay u geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhacdadii Argagaxa la heyd ee ka dhacday KM-4 ee gaariga AMISOM uu ku jiiray gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed,waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Ciidamada AMISOM ay u sugi lahaayeenAmaanka Gobolka Banaadir.

Saraakiisha AMISOM ayaa cudurdaar ka bixiyay dhacdadii ugu dambeysay oo mid ka mid ah gaadiidkooda uu ku dhacay gaari kale oo uu watay muwaadin Soomaaliyeed.

Gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer hore waxyeelo ugu geystey caasimada dalka ee Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed sidoo kale gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa gobolada dalka waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen dad rayid ah.

 

 

 

Like it? Share it!

 

Share
« Previous Story
C/wali Gaas “Anaga iyo Qadar wax xiriir ah ma lihin, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa…”
More Related News
C/wali Gaas “Anaga iyo Qadar wax xiriir ah ma lihin, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa…”
September 29 (Jowhar)— Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale ku celiyay inuu ku taagan yahay go’aanka Maamulkiisa ku taageeray Isbaheysiga…
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Cadaado iyo xiisad laga dareemayo
September 29 (Jowhar)—Magaalada Cadaado ee xarun kumeel gaar u ah Galmudug ayaa xiisad ay ka jirtaa maanta iyadoo inta badan ganacsiga magaalada uu joogsaday.  …
Faah faahin ka soo baxaya weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Bariire
September 29 (Jowhar)— Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka Al-Shabaab ku qaadeen Fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka…
Yuusuf Garaad oo cashar u dhigay Maamul goboleedyada (Akhriso Qormo uu qoray)
Dalka Soomaaliya waa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye.  Geeridii, dhaawacii, qaxii iyo burburkii dagaalka sokeeye dartood, konton iyo toddoba sano ka dib Dowladnimada…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Hulusi Akar oo goor dhow Muqdisho soo gaarey
September 29 (Jowhar)—Wafdi uu hogaaminayo taliyaha Guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu…

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post kulan looga hadlayay sare uqaadida amaanka magaalada muqdisho oo dhexmay amisom duqa magaalada muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author