Kulan looga hadlayay sare u qaadida ammaanka oo dhexmay Amisom iyo Duqa magaalada Muqdisho

Ilwareed Online

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan saacado badan qaatay maanta la yeeshay madaxda Midawga Afrika ee AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Ee AMISOM.

Guddoomiye Taabit ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Danjiraha Midawga Afrika u jooga Soomaaliya  Ambassador Francisco Madeira iyo Taliyaha Guud Ee Ciidamada AMISOM,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin dhibaatada ciidamada AMISOM ay u geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhacdadii Argagaxa la heyd ee ka dhacday KM-4 ee gaariga AMISOM uu ku jiiray gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed,waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Ciidamada AMISOM ay u sugi lahaayeenAmaanka Gobolka Banaadir.

Saraakiisha AMISOM ayaa cudurdaar ka bixiyay dhacdadii ugu dambeysay oo mid ka mid ah gaadiidkooda uu ku dhacay gaari kale oo uu watay muwaadin Soomaaliyeed.

Gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer hore waxyeelo ugu geystey caasimada dalka ee Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed sidoo kale gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa gobolada dalka waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen dad rayid ah.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Kulan looga hadlayay sare u qaadida ammaanka oo dhexmay Amisom iyo Duqa magaalada Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author