Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo ka dhacay Aqalka dowladda Hoose, halkaasoo uu Ra’iisul Wasaaruhu tagay.

Kulankan oo looga hadlayay Amaanka Caasimada, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Kuxigeenadiisa iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan xaalada guud ee gobolka, waxaana kulanka inta uu socday la iskula soo qaaday arrimaha amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wargeliyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka in looga baahan yahay in mas’uuliyad iska saaraan arrimaha amniga, isla markaana Guddoomiye kasta lagula xisaabtami doono nabadgelyada degmadiisa.

Sidoo kale waxa kulanka looga hadlay u diyaar garowga Maalinta Ciida, iyadoo lagu baaqay in la dar dar geliyo nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmihii la soo dhaafay si dhow ula xisaabtamaya hey’adaha dowladda, waxaase hada muuqata doorka la xisaabtanka uu ku keenay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

The post Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir + Sawirro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author