Ku dhawaad 500 oo Ruux oo lagu qab qabtay howlgallo laga sameeyay Muqdisho

Howlgallo ballaaran ayaa Ciidamada amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey Xalay siyaabo kala duwan ugu sameeyeen Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalladan xoogooda ayaa waxaa Ciidamada ay ka fuliyeen Xaafada Silig ee Degmada Wadajir, waxaana lagu soo waramayaa in lagu soo xiray ku dhawaad 500 oo Ruux.

Tuhmaneyaasha lagu qabtay howlgalladaasi qaarkood ayaa la sii daayay halka kuwa kalena weli baaritaano ay ku socdaan sida Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka ay sheegeen.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday howlgallo kala duwan oo lagu macneeyay kuwa lagu xaqiijinayo amaanka kadib markii Ciidamo loo xilsaaray xasilinta Caasimada Magaalada Muqdisho.

The post Ku dhawaad 500 oo Ruux oo lagu qab qabtay howlgallo laga sameeyay Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author