Kooxo Hubaysan oo sarkaal Ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose ku dilay Magaalada Muqdisho.

Ilwareed Online

Rag ku hubaysnaa Bistoolado ayaa maanta sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Hoose ee Muqdisho ku dilay Xaafadda Suuq Bacaad degmada ee Goblka Banaadir.


C/fataax Cumar Xalane Afayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in dilka sarkaalkaasi uu jiro, isagoo sheegay inay wadaan baaritaano arintaas ku saabsan.
Dhanka kale Sarkaalka la dilay ku hawlanaa qaadista canshuuro uu ka aruurinaayay ganacsatada ku sugan Busteejada Suuq Bacaad ee gobalka Banaadir.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Kooxo Hubaysan oo sarkaal Ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose ku dilay Magaalada Muqdisho. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author