Kooxo Hubaysan oo Rag Ganacsato ah Galabta ku dilay Deegaan ka mid ah Gobolka J/Hoose

Ilwareed Online

Wararka ka imaanay Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in laba nin oo Ganacsato ah Galabta lagu dilay Deegaan lagu magacaabo Wareeg oo u dhaxeeya Magaalooyinka Kudhaa iyo Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.


Ganacsatada la dilay galabta ayaa la sheegay inay ahaayeen Ganacsatada ka Ganacsata Dhuxusha, waxaana magacyadooda lagu soo koobay Aadan Cosoble iyo Moodhafiin.
Dhanka kale Saraakiisha Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in labada Nin ee ka mida Ganacsatada Gobolkaasi inay dileen Maleeshiyaadka Al-Shabaab,waxaana Meydkooda la geeyay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, mana jirto wax hadal ah oo ka soobaxay dhanka Al-Shabaab.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Kooxo Hubaysan oo Rag Ganacsato ah Galabta ku dilay Deegaan ka mid ah Gobolka J/Hoose appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author