Kooxo Hubaysan Nabaddoon caan ah ku dilay duleedka Magaalada Garbahaarey

Ilwareed Online

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa Nabadoon caan oo goordhow lagu dilay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, kadib markii ay soo weerareeen kooxo Bistoolado wadatay agagarka deegaanka Qur’aan Googoo oo u dhexeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Luuq ee Gobolka Gedo .


Kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ayaa isaga baxsaday goobta ay dilkaa ka fuliyeen, waxaana Nabadoonka la dilay lagu magacaabi jiray Nabaddoon Xuseen Maxamuud Macalin oo lagu naanaysi jiray Xuseen Dhafoor.
Nabadoonka la dilay Alle ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Kismaayo ee ka mid ah 2-da Golle ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Kooxo Hubaysan Nabaddoon caan ah ku dilay duleedka Magaalada Garbahaarey appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author