Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo qarax qasaare geystay loogu geystay degmada Ceelwaaq

Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya ee ilaaliya xuduuda ay la leeyihiin dalka Soomaaliya ayaa gaari ay wateen waxaa la kacday miino nooca dhulka lagu aaso ah, halkaasi oo ka dhashay qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamada Kenya ay ku geeriyoodeen 4-askari, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 10-Askari.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo ku bannaanka ka ah degmada Ceelwaaq, waxaana burburay gebi ahaanba gaarigii ay saarnaayeen ciidamada Keenyaatiga ah, iyadoo goobtaasi ay gaareen ciidamo gurmad ah oo iyagu halkaasi ka qaaday askartii ku dhaawacmay qaraxa.

Dhinaca kale qaraxaan maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ayay sheegeen saraakiisha ciidamada Kenya inay ka dambeeyeen dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab, taasi oo sababtay in ciidamo la soo dhoobo gobolka W/Bari Kenya ee ay degaan Soomaalida Kenya.

The post Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo qarax qasaare geystay loogu geystay degmada Ceelwaaq appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author