Khubadii Gudoomiye Ciro Jeediyey Markii Uu Iska Casilayey Xilka Golaha Wakiilada *Daawo*

Ilwareed Online –

Afhayenkii golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa fadhi ay yeesheen Xildhibaanada Somaliland u gudbiyey qoraal uu isku casilaayo kana dalbaanaayo in ay aqbalaan codsigiisa.

Fadhiga Golaha wakiilada ee Somaliland waxaa maanta jooge ahaa 71 Xildhibaan, oo kamid ah 82 Xildhibaan ee ka tirsan Aqalka Wakiilada Somaliland.

Is-casilaada Cirro waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xildhibaanada kaas oo gaaraya 70 cod. Waxaa xilka si kumeel gaar ah u haynaya kuixgeenkiisa, oo diyaarinaaya doorashada afhayeenka Baarlamaanka oo ay u badan tahay in uu ku soo abxo siyaasi ka soo jeeda gobolada bari oo ka tirsan xibiga Kulmiye.

Muddo dheer ayaa eedeyn uga imaaneysey musharixiinta la taratamaya cirro xilka Madaxweynaha iyaga oo ku eedeynaya in uu yahay nin isku haysta xilal badan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ah ninkii asaasey xisbiga Waddani, kadib markii uu ka baxay Xisbiga UCID, waa musharaxa Madaxweynaha ee Somaliland ee xisbiga Waddani, waxaana uu is casilaadiisa ku sheegay in uu doonaayo in uu u madaxbanaanaado ololaha doorashada.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa ahaa Guddoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland tan iyo sanadkii 2005, oo ahayd doorashada keliya ee Baarlamaani ahayd ee ka dhacdey Somaliland, waxaana uu markaas ka tirsanaa xisbiga UCID. Cabdiraxmaan Ciro, waxa uu ahaan jirey qunsulkii Soomaaliya u fadhiyey Moscow, kadib waxa uu muddo dheer deganaa dalka Finland.

Doorashada Madaxweynaha ee Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Nofeenbar ee sanadkan 2017, waxaana ku tartamaaya Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe oo markii saddexaad doonaya in uu tartamo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Khubadii Gudoomiye Ciro Jeediyey Markii Uu Iska Casilayey Xilka Golaha Wakiilada *Daawo* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author