Khayre oo Addis Ababa kula kulmay Wasiirka A. Dibadda Sacuudiga

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubeir.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay, albaabadana ay u xirnaayeen ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Xulafada Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar iyo go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa booqasho ku maraya wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah, si uu taageero ugu raadiyo go’doominta la saarayo Qatar.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii hore ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka mowqif dhex dhexaad ah, hase ahaatee dowladda Sacuudiga ayaa ka carootay, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay joojiyay taageero dhaqaale oo ay siin laheyd Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa wali ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa, si Sacuudiga u bilaabo mashaariic uu horay ugu balan qaaday Soomaaliya.

The post Khayre oo Addis Ababa kula kulmay Wasiirka A. Dibadda Sacuudiga appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author