Kenya oo fashilisay weerar Shabaab, Qabatayna Rag ka tirsan Shabaab

Dowladda Kenya ayaa saacidihii la soo dhaafay fashiliyay weerar ay Damacsanaayeen Al-Shabaab, waxana lasoo qabtay lix Nin oo la tuhunsan yahy inay Qorsheeynayeen Weerar ay Mas’uul ka yihiin Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaliya.


Todobaadyadii la soo dhaafay Kenya waxaa ka dhintay ugu yaraan 20 Sarkaal,kadib Miinooyin kala duwan oo intooda badan lagu aasay wadooyinka waxayna weeradaasi ka dheceen G/Woqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Joseph Boinnet oo ah Bare Guud oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in Raga la qabtay labo ka mid ah ay Kenya u dhasheen, Halka kuwa kalena ay Soomaali ahaayeen.
Booliiska ayaa qabtay waxyaabaha Qarxa oo ay kamid Yihiin afar Jaakadaha Qarxa ah iyo Bam laga sameeyay waxyaabo la isu geeyay.
Sarkaalkaasi Kenyaatiga ayaa sheegay in raga la qabtay laga soo diray Somaaliya, isagoo sheegay inay soo direen Taliyeyaashooda si ay Kenya weerar uga Fuliyeen.
Ciidamadda Ammaanka Kenya waxaa la shaqeeyay ciidamo Soomali ah si ay Weerarka u fashiliyaan, una qabtaan Ragga la Tuhunsan yahay, raga la qabtay ayaa hadda waxaa la weeydiinayaa su’aalo.
Dhanka kale Dowlada Kenya waxay wajaheysaa caqabaddo amaan oo Adag, oo intooda badan yimid wixii ka dambeeyay Markii ay Ciidamadoodu Soomaaliya soo galeen si ay Al-Shabaab ula Dagaalamaan.

The post Kenya oo fashilisay weerar Shabaab, Qabatayna Rag ka tirsan Shabaab appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author