Kenya oo baareysa sababaha Shabaab u fududeynaya weerarada

Isku duwaha Howlaha Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Ambassador Maxamuud Saalax ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan sababaha dib ay ugu soo cusboonaadeen weerarada Shabaab ay ka geystaan Gobolka Waqooyi Bari .

Ambassador Maxamuud Saalax ayaa sheegay in ay xiri doonaan dadka u dhashay Gobolka iyo kuwa ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo ku lugta leh Ganacsiga Kontorobaanka ee ka yimaada Soomaaliya, sidoo kalena aan bixin canshuurta dalka.

Isku duwaha Howlaha Ammaanka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Ambassador Maxamuud Saalax ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan Dad Degaanka u dhashay oo ka tirsan Shabaab, arrintaasina hada ay baarayaan.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya inooga soo diray Wariyaha Risaala ee dalkaasi Liibaan Xasan.

You might also like More from author