KASHIFAAD:Cidda RW Kheyre ku riixeysa dagaalka maamul Goboledyada oo la ogaaday iyo Ujeedka laga leeyahay

Ilwareed Online

Waxaa maalmihii dambe socdo ololihii ugu weynaa ee lagu doonayey in meesha looga saaro dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ka jiro, wuxuuna ololahaas kasoo bilowday Hirshabelle oo lagu guuleystay iyo Galmudug oo hadda meel xasaasi ah mareyso.

Haddaba baaritaan iyo xog wareysi dheer kadib waxaa lasoo ogaaday halka ay sheekada ka socoto iyo ujeedka ka dambeeyo.

Qorshahaan oo ah mid ay ka dambeyso dano siyaasadeed oo gaar ayaa waxaa wado Shirkadda Som Oil oo arrintaan usoo martay Ra’isulwasaare Kheyre oo markii hore u ahaa Agaasimaheeda Bariga Africa ka hor inta uusan noqon Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Shirkadda Som Oil ayaa dooneyso inay Soomaaliya ka qodo shidaal si meeshaas looga helo dhaqaale badan, waxayna arrintaas kala hadashay Ra’isulwaasare Kheyre, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyey in mashruucan la galo isla markaasna sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgeliyo.

Shirkadda Som Oil ayaa talo ahaan usoo jeedisay inaysan macquul aheyn in Soomaaliya shidaal laga soo saaro inta ay jiraan madaxda Maamul Goboleedyada dalka kuwaas oo ku xiran wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iyagana wato qorshe kale oo shidaal qodis ah.

Maadaama meelaha ugu badan ee shidaalka laga qodi lahaa ay ka taliyaan Maamul Goboleedyada, Waxaa Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya bil ka hor ku shiray Madaxda ugu sareyso shirkadda Som Oil and Gas, waxaana la isku soo hadal qaaday qaabka ugu wanaagsan ee mashruucaan loo hirgelin karo.

Waxaa kamid ahaa qodobada shirkaas kasoo baxay

1) In laga shaqeeyo sidii meesha looga saari lahaa Madaxda Maamul Goboledyada ee hadda xilka hayo kuwaas oo aan ku siyaasad aheyn Xukuumadda Kheyre.

2) Inay Som Oil bixiso lacag 10 Malyan oo Dollar si dagaalkaas loogu adeegsado.

3) In Madaxda Maamul Goboleedyada cusub laga dhigo shaqsiyaad aan marnaba ka hor imaan karin rabitaanka dowladda iyo midka Som Oil.

4) in Som Oil ay bixiso lacago dheeri ah haddii uu dagaalka waqti badan qaato lacag badan uu u baahdo.

Haddaba Kheyre oo garab ka helaya Som Oil ayaa dab ka dhex shiday madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe taasoo laga yaabo inay horseedo burburka dowladda iyo inay shacabka niyad jabaan.

Waxaa Qoray : Maxamed Cali Faarax
Email: 
siyaasaddamaanta@gmail.com

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post KASHIFAAD:Cidda RW Kheyre ku riixeysa dagaalka maamul Goboledyada oo la ogaaday iyo Ujeedka laga leeyahay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author