Kalfdhigii labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo furmaya maalinta beri ah

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay dib dalka ugu soo laabtay ayaa xarunta Villa Hargeysa kula kulmay ku-xigeennadiisa iyo xubno ka tirsan gollaha baarlamaanka.

Jawaari ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay kala hadlay howlaha horyaalla baarlamaanka iyo sida ay u socoto qaban qaabada munaasabada furintaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay labadiisa ku xigeen taasi oo ku saabsan sida xildhibaanada iyo shaqaalaha baarlamaanka ay ugu diyaar garoobeen furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Buux ayaa sheegay in guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka ay u diyaar garoobeen furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah warbaahinta ugula socon doonaan xaflada.

Sidda ku qoran dastuurka dalka Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furaya Kalfadhiyada Baarlamaanka, waxaana maalinta Beri ah ay noqoneysaa in Madaxweynaha uu furo Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS uu yeesho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Kalfadhigan waxaa horyaalla shaqooyin badan waxaana ka mid ah meel marinta Miisaaniyada Dowladda iyo sharciyo ay ka mid yihiin la dagaalanka Musuq Muusuqa.

The post Kalfdhigii labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo furmaya maalinta beri ah appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author