Kaaliyihii Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan oo aan heebtooda la garan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Kaaliyihii Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Mursal Aw Cumar.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay xaafad katirsan Degmada Waabari, waxaana kaaliyaha Gudoomiyaha Maxkamada sare dilay kooxo biskoolado ku hubeesan kuwaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo gaaray halka uu dilku ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano, mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay dilka ka If you are in need of economic solutions for your Erythromycin purchase, you can find them at our store, as we sell it for only 0.59 USD! Act today and don’t miss your chance! dhacay Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilalka qorsheesan ee loo geesto dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya iyo ciidamada, waxaa sidoo kale Muqdisho kusoo kordhaya qaraxyada gaar ahaan kuwa gaadiidka la isugu xiro.

You might also like More from author