Jilaaga James Simpson oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Ciyaaryahan hore oo kubada cagta ciyaari jiray sidoo kale mar soo noqday Jilaa filimaanta ka qeyb qaata ayaa loo balan qaaday in uu xuriyadiisa dib u helayo lagana sii deynayo xabsi uu ku xirnaa mudo 9-sano ah.

James Simpson oo hada 70-sano jir ah una dhashay dalka Mareykanka ayaa farxad badan dareemay kadib markii loo sheegay in laga sii deynayo xabsi kuyaala Nevada dalka Mareykanka , waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geesatay sii deyntiisa.

Guddigii xaakimiinta ahaa ee gacanta ku hayay kiiska dambiyada uu u xirnaa James Simpson ayaa waxa ay isku raaceen in ay ansixiyaan in ninkan xabsiga la sii daayo bisha Oktobar, waxaana laga cafiyay dambiyadii markii hore loo xiray.

Laacibkii hore O J Simpson ayaa loo xiray dambiyo kala duwan oo kamid tahay burcadnimo hubeysan iyo weerar uu ku gaystay hub wax dila, waxaa sidoo kale loo heestay dambiyo kale ay ku jiraan iska hor imaad ka dhacay hotel ku yaalla Las Vegas 2007.

James Simpson ayaa horey loogu waayay sanadkii 1995-tii dambi culus oo ahaa in uu dilay xaaskiisi hore, Nicole Brown Simpson iyo saaxibkeed Ron Goldman, Laacibkan hore ayaa 2008 ayaa lagu helay kiis ku saabsan dhac hubaysan, waana isla sannadkii lagu waayey dacwad loogu yeero Dacwaddii qarniga.

You might also like More from author