Jeneraal Subagle “AMISOM Al Shabaab iyo Shicibka ma kala saari karto”

Taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa xaqiijiyay in dhankooda ay ku adagtahay in ay wiiqaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee maamusha dhul ballaaran oo katirsan dalka Soomaaliya.

Caddeymo hor leh oo uu bixiyay Taliyaha ugu sarreeya ciidamada AMISOM ayuu ku sheegay in ay adag tahay in laysku furo magaalooyinka gacanta shisheeyaha kujira kadib markii magaalooyinkaas ay go’doomin adag kusoo rogeen Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle oo ah madaxa ciidamada AMISOM kanasoo jeeda dalka Jabuuti ayaa si aan leex leexadlaheyn u carabaabay in 10 sanadood kadib howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu awoodi waayay in Xarakada Al Shabaab uu ka saaro Soomaaliya.

Jen. Subagle oo ka hadlayay kulan tababar loogu furayay Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa ka dardaar wariyay xaaladda ay ku suganyihiin ciidamada shisheeye wuxuuna ku cataabay in aysan kala saari karin shacabka Soomaaliya iyo maleeshiyada Al Shabaab.

“Magaalooyin badan waa xur laakin, dariiqyadii isku xiri lahaa ayaa xiran, tusaale ahaan Jowhar iyo Jalalaqsi oo kale ma furna, Buulo Burde iyo Jalalaqsi sidoo kale, eedaas anaga qeyb ayaa ku leenahay umadda Soomaaliyeed qeyb ayay ku leeyihiin”ayuu yiri Jen. Subagle.

Waxaa uu sheegay inay la dagaalamayaan xarakada Al Shabaab oo uu isagu ku sifeeyay ‘cadaw soomaali u eg’ , “waa niman Afsoomaali ku hadla, dhulkana yaqaana, “shicibkii iyo Al Shabaab ayaan kala saari la’nahay waddooyin aan furno waxba sooma kordhinayso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Subagle.

Mar uu soo hadal qaaday khasaaraha kasoo gaaray AMISOM dagaallada dalka ka socda wuxuu xusay in marwalba oo ay isaga kala gooshayaan waddooyinka uu khasaara lixaad leh kasoo gaaro.

“waddooyinka la furayo intee qiimo naogu joogana safar kasta 20 qof hadaad dirto, waxaa suura gal ah 19 ayaa dirqi ku tagto deegaanka, marka amarka ceynkaas aad siineys nin ajnabi isagoo nool yimid, isagoo meydna la celinayo, dhibaato weyn ayay nagu heysaa, waa tan keentay 10 sano inaan joogno halkan, bal aan isku noqono, dagaalka anaga kaliya aan ku jirno ma ahan, shacabka waa inay gacan nagu siiyaan”ayuu yiri Jen. Subagle.

The post Jeneraal Subagle “AMISOM Al Shabaab iyo Shicibka ma kala saari karto” appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author