Jarmalka Oo Xiray Muhaajiriin Ay Ku Jiraan Soomaali

Ilwareed Online

Booliska Dalka Jarmalka ayaa Xabsiga dhigay tiro Muhaajiriin ah kuwaas oo ay qayb ka yihiin Soomaali.

Dadka la qabtay oo ka soo kala jeeda Dalalka Nigeria, Soomaaliya iyo Ivory Coast, ayaa laga qabtay Xadka ay wadaagaan Dalalka Jarmalka iyo Austeri, waxa ayna sheegeen boolisku in dadkaasi ay saarnaayeen Gaari Xamuul ah.

Muhaajiriinta ayaa ka kooban Todobo Caruur ah iyo shan Qof oo ah dad waa wayn, kuwaas oo ka soo baxay Magaalada Verona, kuna sii jeeday Magaalada Munich ee dalkaasi Jermany.

Baaritaano ayey sheegeen boolisku in dadkaasi lagu wado, si loo ogaado qaabka ay ku doonayeen in ay ugu talaabaan Magaalooyin ka tirsan Dalkaasi.

Dalalka Yurub waxaa gaara muhaajiriin fara badan, kuwaasi oo Magan Galyo doon ah, kana cararay Dalal ka tirsan Qaarada Africa oo ay ka jiraan dhibaatooyin Nololeed iyo Colaado.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Jarmalka Oo Xiray Muhaajiriin Ay Ku Jiraan Soomaali appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author